Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray shacabka Jabuuti

Image

Muqdisho, 27 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 38-aad ee ka soo wareegtey xornimada dalka Djibouti u direy Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhammaan shacabka reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan.

‘’Waxaan walaalaheena reer Djibouti la qeybsaneynaa xuskan qiimaha leh iyo farxadda sannadguurada 38-aad ee xornimada. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinayaa hambalyada munaasabaddan, waxaana shacabka reer Djibouti u rajeynayaa horumar, midnimo iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha . 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Djibouti ay ka soo dhalaashey kaalinteeda walaaltinimo iyo derisnimo si ay u caawiso Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in shacabka Soomaaliyeed aaney taasi marnaba ilaabi doonin. 

‘’Shacabka iyo dowladda Djibouti waxay inoo qabteen wax weyn, dadaal dheerna waxay u galeen sidii aan uga bixi lahayn colaadihii iyo xasaradihii waddankeena ka aloosnaa, welina dadaalkaasi way wadaan. Reer Djibouti si hagar la’aan ah ayay walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliya uga warqabeen, uguna soo gurmadeen, abaal aan la iloobi karin ayaan uga haynaa dadaalkaasi iyo geesinimada ay inoo muujiyeen’’.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti in xuskan kiisa xiga ay ku gaaraan caafimaad iyo barwaaqo.

-DHAMMAAD- 

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM