​Madaxweynaha Somalia oo Jig-jiga aaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta u amba-baxay magaalada Jig-jiga xarunta Is-maamulka Somalida Ethiopia.

Safarka waxaa ku wehelinaya madaxweynaha xubno katirsan dowladda.

Ilaa hadda lama oga socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu salka ku hayo.

Warar madax bannaan oo aan socdaalkaasi ka helayno ayaa sheegaya inuu wada-hadal halkaasi kula leeyahay madaxda Is-maamulka Somalida Ethiopia iyagoo wada xaajoon doona arrimo ku aadan is-badalka Somalia ka dhacaya iyo sidii loo adkayn lahaa ammaanka.

Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Somaaliyeed ku tago dhulkaasi ay maamusho Ethiopia, wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977-kii.

Balse, waxaa sannad kahor Jig-jiga tagay Guddoomiyaha Barlamanka Somalia Prof. Jawaari iyadoo marar badan sidoo kale booqdeen madaxda maamul goboleedyada Somalida gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Waa socdaalkii labaad oo madaxweynaha Somalia dalka uga baxo as-buuc gudahiis, wuxuuna kusoo beegmay hal maalin kadib markii Muqdishu lagusoo gaba-gabeeyay kulankii madasha ee looga hadlayay doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM