Madaxweynaha DF oo ka dalbadey wadamada Carabta maalgashi

Image
Image
Image

MUQDISHO 10 May, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka oo maanta xafiiskiisa kula kulmey danjiraaysha wadamada Carabta ka jooga magaalada Muqdisho ayaa ka dalbadey in maalgashi ku sameeyaan dalka Somalia.

Xasan Shiikh oo danjiraaysha uga warbixiyey xaalada dhaqaale, siyaasdeed, amni, maalgashi iyo higsiga 2016 halka ay mareyso,  ayaa sheegey in Somalia ku jirto wadadii dib u soo kabashada.

Mud. Xasan Shiikh ayaa u sheegey wakiilada wadamada Carabta u fadhiya Muqdisho in gobolada dalka gabi ahaanba leeyihiin khayraad kala duwan islamarkaana ganacsatada wadamada Carabta laga filayo maalgashi ay ku samaeeyaan. 

Dhinaca kale madaxweyne Xasn Shiikh  ayaa ka codsadey diblomaasiyiintaan in badeecada Somalia u furaan suuqyadooda si dhaqaale ahaan wadanku u sameeyo dib-u-soo kabasho.

Danjiryaasha ayaa dhinacooda soo dhoweeyey codsiga madaxweynaha Somalia islamarkaana uga mahad celiyey warbiixinta kooban oo uu ka siiyey xaalada wadanka halka ay mareyso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM