Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay go'aanka Jubaland

Image

Muqdisho, 7 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey guddigii dhowaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka KMG ee Jubba inay dardar geliyaan hawshooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cumar Sharma’arke ay horey maamulka Jubba uga wadahadleen xalinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye, looga baahan yahay shacabkeeda inay la yimaadaan isku tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore.

“Aniga iyo mas’uuliyiinka kale ee dowladda iyo baarlamanka waxaan isku aragti ka nahay dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo fulinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016. Dhismaha maamullada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeena, caqabad walba oo la soo gudboonaatana waxaa naga go’an in wadahadal lagu dhammeeyo, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

DHAMMAAD

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM