Xasan Sheekh oo Khartoum u tegey caleema saarka Al-bashiir

Image

Khartoum, June 2, 2015: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, halkaasoo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortey.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum International Airport ku soo dhoweeyay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Sudan.

Muddada uu ku sugan yahay Khartoum, Xasan Sheekh waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta xukuumadda Sudan iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dalka Nigeria uga qayb galay munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee dalkaas dhowanta loo doortey Mohammadu Buhari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM