Xasan Sheekh oo Khartoum u tegey caleema saarka Al-bashiir

Image

Khartoum, June 2, 2015: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, halkaasoo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortey.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum International Airport ku soo dhoweeyay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Sudan.

Muddada uu ku sugan yahay Khartoum, Xasan Sheekh waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta xukuumadda Sudan iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dalka Nigeria uga qayb galay munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee dalkaas dhowanta loo doortey Mohammadu Buhari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM