Madaxweynaha Somalia oo Kenya gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta goor gaaban gaaray magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

Waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Hoggaamiya Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale iyo wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho qaadan doonta saddex bari ku joogi doona magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya isagoo ka qayb galaya shir Madaxda urur goboleedka IGAD ku qabsan doonto magaaladaas.

Farmaajo iyo Madaxda dalalkaas ayaa la filayaa inay kawada hadlaan arrimo ku aadan xaaladda Somalia gaar ahaan amniga, Abaaraha iyo siyaasadda.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga yaabo in hogaamiyaasha kenya kala hadlo Qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab iyo qorshaha ka dhanka ah furnaanshaha xeradaas.

Lama oga inay isla soo qaadi doonaan dhibaatada dhinaca socdaalka ee saaran dadka ka safraya Somalia ee sii mara magaalada Wajeer.

Qorshahaas oo ay ka hishiiyeen Kenyatta iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa wali la dhaqan galin.

Dhawaan Madaxweynaha Kenya ayaa tagay Somalia isagoo ka qayb galay Caleemo-saarka Madaxweyne Farmaajo oo dhacday bishii Febraayo.

Waa booqashadii labaad oo Madaxweynaha Somalia dalka uga baxo tan iyo markii xilkan uu kaga adkaaday Xasan Sheekh horaantii bishii labaad ee isla sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM