Madaxweynaha Somalia oo ku wajahan waddan katirsan Yurub

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii shanaad u dhoofaya meel ka baxsan gudaha Somalia, isagoo gordhow ka duuli doona magaalada caasumadda ah ee Muqdishu.

Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doona waddanka Turkiga, kadib caasumad uu ka helay dhigiisa Erdogan.

Booqasahdan ayaa ku saabsan xiriirka labada waddan iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

Sida uu GO, u xaqiijiyeen ilo wareedyo katirsan Madaxtooyada Somalia, casuumaddan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore taleefon kuwada hadleen Madaxweynayaasha Turkiga iyo Somalia, taasoo uu Maxamed Cabdullaahi hogaamiyaha xukuumadda Ankara ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray aftidii loo qaaday dastuurka dalkaas.

“Waxaa hadda socda qaban qaabada safarka Madaxweynaha, goordhow ayuu ka dhoofi doonaa garoonka Aadan Cadde, wuxuuna kusii jeeda Turkiga oo u tagi doono arrimo la xariira xaaladda Somalia,” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay sarkaal katirsan qaybta warfaafinta Madaxtooyada.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay shir ku yeeshaan maalmaha soo socda xarunta dalkaas iyagoo kawada hadlaya arrimo ay kamid tahay amniga iyo abaaraha ka jira Somalia.

Tan iyo markii bishii Febraayo la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa safarkii Shanaad oo ku tago waddanka dibadiisa, wuxuuna horay u booqday; Sucuudiga, Kenya, Jordan iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna badankooda kala hadlayay xaaladda dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa abaarta baahsan ee ka jirta Somalia.

Mar uu todobaadkii hore ka hadlayay safarradiisa, wuxuu sheegay in dhammaantood yihiin kuwo guulaystay isagoo shacabka ugu baaqay inay ka raali ahaan booqashooyinka maadama uu doonayo inuu soo celiyo karaamadii iyo calaaqaadkii ay la lahaayeen dowladda Somalia waddamada caalamka.

Madaxweynaha Somalia, ayaa la filayaa inuu safarkiisa soo gaba-gabeeyo Jimcaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM