Madaxweynaha Somalia oo la kulmey danjireyaasha Sweden iyo UK

Image

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si gooni gooni ah xafiiskiisa ugu qaabiley danjireyaasha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall.

Madaxweynaha ayaa danjiraha Britain kala hadley horumarka siyaasadeed ee dhowaan lagu talaabsadey, sida dhismaha guddiyada madaxa banaan ee Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Federaalka, iyo weliba Adeegga Garsoorka, kuwaas oo uu sheegay inay dardargelin doonaan barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Danjiraha Britain Mr Wigan ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu uga sidey Ra’iisul Wasaare Mr David Cameron oo ah in Boqortooyada UK ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya oo ku saleysan iskaashi, taageero iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Mr Wigan ayaa sidoo kale sheegay in Britain ay dhaqaale ku taageereyso dhismaha iyo dib u dhiska Ciidammada Xooogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan taa la mid ah ka geysato dib u dhiska ciidammada booliska Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeeshay Danjiraha Sweden, Mikael Lindvall, ayaa looga wadahadley horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, hawlaha la xiriira dib u dhiska ciidammada iyo taageerada beesha caalamka siineyso Soomaaliya.

Danjire Lindvall ayaa soo dhoweeyay meelmarintii Golaha Wasiirrada Soomaaliye ee guddiyada madaxa banaan ee Doorashada, Adeegga Garsoorka iyo Xudduudaha, isagoo sheegay dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso taageerada guddiyadaasi si ay hawlahooda habsami ugu fulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM