Madaxweynaha Somalia oo Muqdishu ku laabtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kadib socdaal kooban oo ku gaaray Boqortooyada Sacuudiga oo kusoo cumraystay.

Xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa dalka Sacuudiga isagoo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda waddankaas oo ugu sareeyo Boqor Salmaan.

Waxay kawada hadleen arrimo khuseeya xaaladda Somalia.

Kahor intuusan dalkaas kasoo safrin Madaxweyne Farmaajo isaga iyo wafdigiisa, wuxuu usoo duceeyay shacabkiisa iyo dalka Somalia isagoo alle uga baryay inuu dhibka ka dul-qaado, sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka oo qoraal kooban soo dhigay.

Waa booqashadii ugu horaysay Madaxweynuhu ku tago waddankaas.

Howlo badan ayaa horyaalla taasoo keentay inuu safarkiisa soo gaabiyo.

Dhinaca kale, waxaa golaha Barlamanka looga fadhiyaa inay ansixiyaan magacaabista Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre oo magacaabay kahor intuusan u dhoofin Boqortooyada Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM