​Madaxweynaha Somalia oo safraya caleemo-saarka kadib

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la qorshaynayaa inuu dalka kaga ambo-baxo safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay horaantii bishan.

Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo dalka ka dhoofayo maalinta barri ah.

Caleema saarka kadib, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa inuu u safro dalka Sacuudiga gaar ahaan Xaramka

Waxaa la sheegay inuu u aadayo Cumraysi, halkaas oo uga soo ducayn doono shacabka iyo dalka Somaliyeed.

Boqor Salmaanka Sacuudiga ayuu wada-hadal la yeelan doonaa Cumraysigiisa kadib  iyadoo la filayo inay kawada hadlaan arrimo ku aadan hormarka Somalia, wax ka qabashada abaaraha iyo kor u qaadista xiriirka labada dal.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa inuu shirkiisii ugu horeeyay ee heer caalami ah uga qayb galo magaalada Riyaad halkaas oo ay isugu imaan doonaan dalalka Islaamka.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu safarro kala duwan ku tago waddamada Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM