​Madaxweynaha Somalia oo saxiixay sharci guddi lagu dhisayo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia-Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Xasan Sheekh oo munaasabadda lagu saxiixayay sharcigaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.

“Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo. Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan,’ Ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha siyaasadda dalka, isagoo ka waramey muhimadda in xisbiyo siyaasadeed la sameysto, khatarta siyaasadaha qabiilka ku dhisan, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha siyaasadeed ee la soo dhisayo doorashada 2016 iyo in la dhiirigeliyo midnimada iyo dib u dhiska dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM