Madaxweynaha Somalia oo si kulul uga hadlay weerarkii PIZZA House [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii xalay kooxda  Al Shabaab ku qaaday dhismaha xarunta Pizza House ee magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri ,“Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.”

“Waa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba 10kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay.”

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!

“Waxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan. 20kii malamood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah. Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hay’ada ammaanka. Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa."

Ugu dambayntii Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dabar go'a  Al Shabaab uu ku xiranyahay isu soo dhawaanshaha laamaha ammaanka iyo shacabka Somaliyeed.

"Dabar go’a Al shabaab wuxuu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM