Madaxweynaha Somalia oo tagay Balli-doogle [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha Balli Doogle, gobolka Shabeellaha hoose halkaaso saldhig u ah ciidamo Kumaandoos ah.

Xasan Sheekh waxaa safarkan ku wehelinayay taliyaasha ciidamada xoogga dalka iyo Cirka, wuxuuna soo xiray tababar muddo u socday ciidamo si gaar ah u tabo-baran.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay ciidanka isagoo ammaanay hab dhaqankooda.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo...Cadowga waad ka xirfad sarreysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo insaanimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan,”Ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Wuxuu mid mid ula hadlay ciidanka isagoo u ballanqaaday inay dowladdu ku dadaali doonto sidii ay u dabooli lahayd baahiyahooda.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxaa dowladda Somalia loo tabo-barayay ciidamo gaar ah kuwaasoo ka qayb qaatay howlgallo ka dhan ah kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM