Madaxweynaha Somalia oo tagay Kigali [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta gaaray caasumadda waddanka Ruwanda ee Kigali, halkaas oo ka dhici doono shir madaxeedka 27-aad ee Midowga Africa. 

Kulankaas ayaa diiradda lagu saari doona arrimaha gobolka iyadoo la filayo inay madaxda Africa yeeshan kulan aan caadi ahayn oo diiradda lagu saarayo xasaradda ka aloosan waddanka Koonfurta Suudaan. 

Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay maanta kaaliyaha,xoghaya arimaha dibada maraykanka u qaabilsan afrika Linda Thomas-Greenfield, sida uu sheegay Afhayeenka madaxweynaha Daa’uud Aweys oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA. 

Daa'uud, ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay arimo dhowra ah oo ay ka mid yihiin doorashada sanadkaan ka dhici doonta dalka,waxayna isku afgarteen in Somalia ka dhacdo doorasho xalaal ah. 

Kulamo kale ayaa la filayaa in madaxweynaha dowladda Somalia la yeesho madaxda kale ee ka qayb gali doonta shirkaasi. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM