​Madaxweynaha Somalia oo tagay Turkiga [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn ay ka qayb qaateen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda dalkaas.

Wafdigan oo isugu jira, Xubno katirsan golayaasha dowladda oo horkacayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalkaas u tagay arrimo ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada waddan iyo saxiixa hishiisyo cusub.

“Waxaan goordhaweyd gaarnay magaalada Ankara anagoo ah wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Somalia oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil kale. Qorshaha socdaalkayagu waa caasumad aan ka helnay walaalaheena Turkiga iyo sidii aan aan u amba qaadi lahayn hishiisyo cusub oo labada dowladood dhexmari doona,” Sidaas waxaa GO u sheegay xubin kamid ah wafdigaas.

Socdaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Turkiga ayaa la filayaa inuu soo dhammaado Jimcaha soo socda, waxaana maalinta barri ah xarunta Madaxtooyada Ankara lagu qaban doonaa shir ballaaran oo u dhaxeeya wafdigan iyo dowladda martida loo yahay.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulankaas diiradda lagu saarayo ayaa GO ogaaday inay kamid tahay xaaladda abaaraha, amniga iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalah Somalia.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka taageera Somalia, isagoo ka hirgaliyay Muqdishu saldhig Milatary kii ugu weynaa ee uu ku yeesho caalamka.

Dhawaan labada Madaxweyne ayaa kuwada hadlay Taleefon kadib guushii uu xisbiga haya talada Turkiga uu ka gaaray aftidii loo qaaday Dastuurka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM