Madaxweynaha Somaliland oo gaarey Abu Dhabi

Image

June 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Siilaanyo ayaa la xiriirta hirgelinta mashruuc biyo gelin ah oo Imaaraadku horay u ballan qaadey inuu ka fulin doono magaalada caasimadda ah ee Hargeysa iyo xarunta gobolka Togdheer ee Burco. Mashruucaas waxaa fulin doonta hay'adda Al-khalifa Foundation.

Wararka ayaa intaas ku daraya in booqashada Siilaanyo la xiriirto sidoo kale in dowladda Imaaraadka kala hadlo  inay gaadiidka dagaalka siiso ciidamada Somaliland, maadaama dhowaan Imaaraadku 11 gaari oo nooca gaashaaman ah siiyey Puntland (6 xabo) iyo Jubaland (5xabo).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM