Madaxweynaha Somaliland oo gaarey Abu Dhabi

Image

June 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Siilaanyo ayaa la xiriirta hirgelinta mashruuc biyo gelin ah oo Imaaraadku horay u ballan qaadey inuu ka fulin doono magaalada caasimadda ah ee Hargeysa iyo xarunta gobolka Togdheer ee Burco. Mashruucaas waxaa fulin doonta hay'adda Al-khalifa Foundation.

Wararka ayaa intaas ku daraya in booqashada Siilaanyo la xiriirto sidoo kale in dowladda Imaaraadka kala hadlo  inay gaadiidka dagaalka siiso ciidamada Somaliland, maadaama dhowaan Imaaraadku 11 gaari oo nooca gaashaaman ah siiyey Puntland (6 xabo) iyo Jubaland (5xabo).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM