Madaxweynaha Somalia oo gaarey Itoobiya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GONDAR, Itoobiya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah gaarey Itoobiya, kadib markii uu casuumaad ka hely Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed.

Farmaajo ayaa waxa uu ka degay garoonka diyaaradaha Atse Tewodros oo ku yaalla magaalada Gondar, oo katirsan gobolka Amhara halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda Itoobiya katirsan.

Ujeedka Farmaajo uu u tagey Gondar ayaa ah inuu ka qeyb-galo shir saddex geesood ah, oo halkaasi uga furmaya Madaxda dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya kaasoo diirada lagu saari doono heshiiskii is-dhexgalka dhaqaalaha ay ku gaareen Asmara September 2018.

Waxay mas'uuliyiinta dalalkan si wadajir ah u booqan doonaan goobo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo magaalada Gondar iyo degaanno kale oo gobolka Amhara katirsan.

Tan iyo markii Abiy Axmed loo doortay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya April 2018, waxaa jiray isku soo dhawaansho dalalka gobolk Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay.

Itoobiya oo shacabkeeda lagu qiyaasay boqol milyan [100 million] ayaanan lahayn wax dekad ah, waxaana ay isha ku haysaa dekadaha waaweyn ee Soomaaliya iyo Eritrea oo ay doonayso inay u isticmaasho qaab ganacsi iyo mid militry, iyadoo xitaa dhisanaysa ciidan badeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa June 2018 booqasho saacado qaadatey ku tagey Muqdisho, isagoo Farmaajo lasoo saxiixday heshiis is-afgarad ah oo u ogolaanaya Itoobiya inay maal-gashi ku sameyso afar dekadood oo ku yaalla Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM