Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo oo la eedeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo qoraal kasoo saartey xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa eedeymo kala duwan u jeedisay madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedkan, hogaanka Madasha oo ka shiray wadahadalada arrimaha doorashooyinka, ammaan iyo siyaasada dalka ayaa xaaladda haatan lagu jiro waxay ku qeexdey "mid murugsan".

Farmaajo ayay ku eedeeyeen "in u caadeystay ku tumashada dastuurka, curyaaminta howlaha baarlamaanka, in uu meesha ka saarey xukuumadii shaqeyneysay iyo in uu abuuray jahwareer siyaasadeed iyo khilaaf dabo dheeraadey".

"Mas'uuliyad darro iyo kalitalisnimo" ayay ku qeexeen in madaxweynaha uusan ra'iisul wasaare rasmiya magacaabin, "si sharci darro ahna" ku xushay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah "arrintaas oo dano shakhsi ah uu ka leeyahay".

Dhamaan shuruucda iyo heshiisyada ay meelmarisay xukuumadda ku meelgaarka ah ee uu hogaamiyo Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayay ku qeexeen in ay yihiin kuwa sharci darro ah oo aanan waddanka looga dhaqmin karin.

Badbaadinta waddanka, doorasho waqtigeeda si wada ogol ah ugu qabsoonta iyo saamileyda oo laga qeybgeliyo wadahadaladda arrimaha doorashooyinka nagu soo fool leh ayay cod dheer kusoo jeediyeen.

Ugu dambeyntii, waddanka oo dib loo celiyo ayay ka digeen iyagoo Beesha Caalamka uga mahadceliyey kuna booriyey dedaalada ay ku bixineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo garab istaagooda Soomaalida.

Hoos ka akhriso bayaanka madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM