Madaxweynaha Xasan oo kulan la qaatay dhiggiisa Nigeria

Image

Muqdisho, 29 May, 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka Nigeria Mudane Muhammadu Buhari.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka labada dal iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu warbixin ka siiyey dhiggiisa xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

" Dowladdaha Soomaaliya iyo Nijeria waxyaalo badan ayey wadaagaan, waxaa ka mid ah Kooxaha Al Shabaab iyo Boko Haram oo iska mid ah mabda'a iyo ficilada xun-xun ee ka fog beniaadamnimadda, labada dowladdood arrimaas wa ay iska kaashan doonaan" ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Buhari uu booqsho ku imaan doono Soomaaliya si loo joogteeyo iskaashiga labadda Dowladdood

Dhammaad

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM