Madaxweyne Cosoble oo ka hadlay arrimo kala duwan

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha  maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo arrimo shaqo u jooga magaalada Muqdish, ayaa faah faahin ka bixiyay, magacaabista wasiirradiisa, dagaal kasocda gobolka Shabeellaha dhexe, abaaraha ka jira deegaanadaas iyo waxyaabo kale.

Wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Cadalle isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii ku waxyeelloobay isku dhaca beelaha walaalaha ah.

“Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culuma’udiinka,iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi,” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Qaabka uu u magacaabay Wasiirradiisa oo dhaliil laga keenay ayuu kawaramay, wuxuuna sheegay inuu kusoo xulay wado-tashi, karti iyo aqoon ay u leeyihiin shaqooyinka loo dhiibay.

“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa,” Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.

Abaaraha ka jira deegaanada maamulkaas, ayuu ugu baaqay in loo istaago sidii loo caawin lahaa, wuxuuna ka codsaday qurba joogta iyo dadka wax-haysta ee ku abtirsada deegaanadaas inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli lagu dhaliilayo Madaxweyne Cosoble inuu shaqadiisa ka gaabiyay islamarkaana sameeyay ku tagri fal awoodeed sida ay qabaan Xildhibaanada maamulkaas, waxaana arrintan timid kadib markii uu soo xulay dhawaan golahiisa wasiirrada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM