​Madaxweyne Cosoble oo magacaabay degmooyin cusub

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Madaxweynaha maamulka HirShabelle Calii Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta oo Talaado ah (August 1, 2017) magacaabay degmooyin cusub, oo kusoo biiray gobolka Hiiraan.

Digreeto uu soo saarey Madaxweyne Cosoble ayaa lagu magacaabay degmooyinka cusub oo gaaraya saddex, kuwaasi oo kala ah, Ceel Cali, Halgan iyo Far-libaax, oo horey u ahaa deegaanno.

Magacaabista degmooyinka cusub ayaa ku timid soo-jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabelle, oo sheegtay in deegaanada Ceel Cali, Halgan iyo Far-libaax, ay buuxiyeen shuruudaha degmnimo.

Digreetada waxaa lagu sheegay in kadib markii ay Wasaaradda qiimeyn ku samaysay xaaladda amniga, awoodda bulsho iyo mida dhaqaale ay u aqoonsatay in deegaanadan ay noqon karaan degmooyin.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ugu baaqay Ciidamada maamulkiisa, Hay'addaha caalamiga iyo mamaulka gobolka Hiiraan inay si deg deg ah uga howlgalaan degmooyinka cusub ee la magacaabay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM