​Madaxweyne Cosoble oo magacaabay degmooyin cusub

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Madaxweynaha maamulka HirShabelle Calii Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta oo Talaado ah (August 1, 2017) magacaabay degmooyin cusub, oo kusoo biiray gobolka Hiiraan.

Digreeto uu soo saarey Madaxweyne Cosoble ayaa lagu magacaabay degmooyinka cusub oo gaaraya saddex, kuwaasi oo kala ah, Ceel Cali, Halgan iyo Far-libaax, oo horey u ahaa deegaanno.

Magacaabista degmooyinka cusub ayaa ku timid soo-jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabelle, oo sheegtay in deegaanada Ceel Cali, Halgan iyo Far-libaax, ay buuxiyeen shuruudaha degmnimo.

Digreetada waxaa lagu sheegay in kadib markii ay Wasaaradda qiimeyn ku samaysay xaaladda amniga, awoodda bulsho iyo mida dhaqaale ay u aqoonsatay in deegaanadan ay noqon karaan degmooyin.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ugu baaqay Ciidamada maamulkiisa, Hay'addaha caalamiga iyo mamaulka gobolka Hiiraan inay si deg deg ah uga howlgalaan degmooyinka cusub ee la magacaabay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM