Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka
BOOSAASO, Soomaaliya — Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay waddo qorshe siyaasadeed oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka, isagoo sheegay in talooyin ka imanaya mas’uuliyiin ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay muujinayaan isku day lagu doonayo in dalka loo kala qeybiyo gobol gobol.
Deni ayaa sheegay in hadallo kasoo yeeray la-taliye lagu magacaabo Sheekh Cali Wajiis ay soo jeedinayaan in dowladda federaalku si toos ah u maamusho gobollada dalka, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah jiritaanka nidaamka federaalka.
“Hadallada kasoo baxaya Cali Wajiis oo aan aaminsanahay inuu la qabo madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku talinayaan in deegaannada Puntland lagu kala maamulo gobol-gobol oo ay dowladda federaalku si toos ah u xukunto,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka digay in la burburiyo nidaamka dowladeed ee muddo dheer la soo dhisayay, isagoo xusay in Puntland ay dhistay hay’ado dowladeed iyo kuwo amni muddo ka badan labaatan sano. Wuxuu sheegay in isku day kasta oo lagu dumiyo nidaamkaas uu halis gelinayo xasilloonida iyo horumarka la gaaray.
Deni ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada noolaan karaan oo keliya heshiis ay ku mideysan yihiin, balse aysan suurtagal ahayn in lagu khasbo nidaam aysan ku qanacsaneyn. Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay damacsan tahay inay si gaar ah u maamusho khayraadka dabiiciga ah ee ku jira deegaannada Puntland, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin isla markaana ka hor imaaneysa heshiisyadii lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.
Ma jirto jawaab degdeg ah oo kasoo baxday dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymahan.
GAROWE ONLINE