Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah.

Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka.

Intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikhshir, Farmaajo ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Sweden, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM