Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka oo Axad ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo afjaray booqashadiisii dalka Masar.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Madax kale oo katirsan labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Farmaajo Saxaafadda lama uusan hadlin markii uu kasoo dagay Garoonka.

Madaxweynaha ayaa kasoo qeybgalay Shirka labaad ee Ganacsiga Africa oo sanadkan 2017 lagu qabtay magaalada xeebta ku taalla ee Sharmal Al-Sheekh, dalka Masar kaasi oo diirada lagu saaray maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay abuurta jawi nabad ah oo u suurta gelinaya caalamka inuu maalgashado, isagoo hoosta ka xaqiiqay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Africa iyo khayraad badan oo dhulka ah.

Waa booqashadii labaad oo Farmaajo ku tago Masar tan iyo bishii August ee sanadkan.

Waxa uu Madaxweynaha uga soo tagey Masar xubno la socday wafdigiisa oo uu kamid yahay Yuusuf Garaad, oo ka qeybgalaya shir deg deg ah oo wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ku leeyihiin Qaahira kaasi oo looga hadlay go'aankii Trumo ee Qudus.

Wasiirada ayaa la filayaa in shirkooda kasoo saaraan go'aan midaysan oo ku aadan arinta Qudus iyo aqoonsiga Trumo u aqoonsaday magaaladaasi bakaraysan inay tahay caasimadda Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM