Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Baydhabo

Image

BAYDHOBAO, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo, ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Xubno katirsan Labada golle ee dowladda, ayaa safarka ku wehelinaya Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo ay kamid yihiin Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gargaarka Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Maryan Qaasim kamid.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Taliyaasha ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagey Baydhabo u guurgalista arrimaha abaarta iy amniga, wuxuuna kulan waxyaabahaasi khuseeya la qaadan doonaa madaxda iyo bulshada maamulkaas.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee abaartu sida daran u saamaysay, waxaana jira dad badan oo u geeriyooday Harraad iyo xanuuno.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia ku tago magaalo kamid ah dalka tan iyo Doorashadiisa February.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM