Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Itoobiya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, Mas’uuliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Ra'iisul Wasaare Hailemariam Desalagn, ayaa ku qaabilay Farmaajo qasriga Madaxtooyadda Addis Ababa, waxaana ay leeyihiin wadahadallo muhiim ah, oo ku saabsan xiriirka labada dal ee deriska ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay booqasho ku tagey Uganda, oo xalay kula soo kulmay dhigiisa Yower Museveni, iyadoo kulankooda diirada ku saareen arrimo quseeya amniga gobolka iyo dagaalka Al shabaab. Halkan ka akhri.

Waxa uu Madaxweynaha sidoo kale socdaalkiisa geeska Africa ku tagi doonaa ligtii ugu dambaysay dalka Jabuuti, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarkan ayaa salka ku hayo qorsho madaxweynaha uu taageero ugu raadinayo dalalka Soomaaliya ay ciidamada ka joogaan, gulufka colaadeed ee dowladiisa ay ku doonayso inay Al shabaab uga sifeyso guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM