Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii Af-urur xilli Gaas aamusan yahay [ Warsaxafadeed]

Image

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerarkii Allshabaab Ku qaadeen Ciidamada Puntland maalintii shaley 8/06/2017.

Hadalka Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa yimid xilli Madaxweynaha Puntland uusan weli ka hadlin weerarkii kooxda Al shabaab ku qaadeen xero cidmada Puntland ku lahaayeen tuulada Af-urur oo magalaada Bossaso u jirta 105 KM.

Dagaalkii ka dhacey Af-urur ayaa ciidamada Puntland iyo dadweyne shacab ah ee ku noolaa tuuladaas kaga dhintey 50 qof halka dhaawacu kor u dhaafayo 35.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa u qornaa sidan-

Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

Muqdisho, 08 June 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagaixisada ah e Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen shacabkii iyo Mujaahidiintii ku geeriyooday weerarkan argagixisada ah ayuu sheegay in ay yihiin shuhado dhiiggooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

DHAMMAAD

Xigasho Xafiiska Madaxweynaha Warsaxaafadeedka

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM