​Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya Shir ka dhacaya Uganda

Image
Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya Shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga, oo maanta ka furmaya magaalada Kampala, ee caasumadda dalka Uganda.

Shirkan oo socon doono labo maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 30 Madaxweyne, Saraakiil ka socota Haya'adaha samafalka, oo uu kamid yahay Xogyahaha Guud ee QM António Guterres.

Inta uu socdo Shirka Kampala, waxaa looga hadli doonaa arrimaha qaxootiga Africa iyo Colaadaha sokeeye, ee ka taagan dalal ay kamid yihiin South Sudan iyo Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Congo.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo António Guterres ayaa shir gudoomin doono Shirka, waxaana lagu aruurin doonaa lacag gaaraysa Labo bilyan oo Doolar oo lagu caawinayo dadka qaxootiga

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee (UNHCR), Philip Grandi ayaa sheegay in dalka Uganda uu martigelinayo malaayiin qaxooti ah, oo kasoo cararay dagaaladda dalalka Koongo iyo South Sudan.

Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa, ayaa la filayaa inay kulamo gaargaar ah la yeeshaan Madaxda ka qeybgalaysa Shirka, oo uu kamid yahay dhigiisa Uganda Yoweri Museveni, iyo António Guterres.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM