​Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya Shir ka dhacaya Uganda

Image
Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya Shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga, oo maanta ka furmaya magaalada Kampala, ee caasumadda dalka Uganda.

Shirkan oo socon doono labo maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 30 Madaxweyne, Saraakiil ka socota Haya'adaha samafalka, oo uu kamid yahay Xogyahaha Guud ee QM António Guterres.

Inta uu socdo Shirka Kampala, waxaa looga hadli doonaa arrimaha qaxootiga Africa iyo Colaadaha sokeeye, ee ka taagan dalal ay kamid yihiin South Sudan iyo Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Congo.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo António Guterres ayaa shir gudoomin doono Shirka, waxaana lagu aruurin doonaa lacag gaaraysa Labo bilyan oo Doolar oo lagu caawinayo dadka qaxootiga

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee (UNHCR), Philip Grandi ayaa sheegay in dalka Uganda uu martigelinayo malaayiin qaxooti ah, oo kasoo cararay dagaaladda dalalka Koongo iyo South Sudan.

Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa, ayaa la filayaa inay kulamo gaargaar ah la yeeshaan Madaxda ka qeybgalaysa Shirka, oo uu kamid yahay dhigiisa Uganda Yoweri Museveni, iyo António Guterres.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM