Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya Shirka Ganacsiga Africa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, si uu uga qeyb-galaan Shir ballaaran oo looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Africa.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin xubno katirsan labada golle ee dowladda ayaa gaarey magaalada xeebta ku taalla ee Sherm-el-Sheikh, halkaasi oo maanta uu ka furmay Shirka "African Business Forum 2017" oo labo maalmood soconaya.

Warsidaha Garowe Online ayaa labo maalmood kahor ogaaday safarka Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan Shirkan ka dhacaya Masar iyo waxyaabaha uu kala hadli doono Madaxweyne AL Sisi. Halkan ka akhri.

Farmaajo lama oga inuu khudbad ka jeedin doono kulanka, balse waxaa wararku nagu soo gaarayaan in kulan gaar ah uu la qaadan doono inta uu socda shirka Madaxweyne Abdel Fattah Al Sisi, oo ay kawada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xiisada Khaliijka.

Lix Madaxweyne oo ka socda dalal ku yaalla qaaradda Africa, mas'uuliyiin kale, iyo Ururo Ganacsi ayaa ka qeybgalaya Shirka, waxayna kawada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee wadamada Africa iyo maalgashiga.

Waa Safarkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago Masar tan iyo markii uu billowday Khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka June 5, oo dowladda Federaalka ay ka qaadatay go'aan dhex-dhexaad ah, kaasi oo cadaadis kala kulmay xulufada Sacuudiga.

Madaxweyne Al Sisi ayaa lagu soo waramayaa in uu wado dedaallo uu isagu soo dhaweynayo Farmaajo iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo xiriirka kala dhaxeeya uusan wanaagsanayn mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM