Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya Shirka Ganacsiga Africa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, si uu uga qeyb-galaan Shir ballaaran oo looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Africa.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin xubno katirsan labada golle ee dowladda ayaa gaarey magaalada xeebta ku taalla ee Sherm-el-Sheikh, halkaasi oo maanta uu ka furmay Shirka "African Business Forum 2017" oo labo maalmood soconaya.

Warsidaha Garowe Online ayaa labo maalmood kahor ogaaday safarka Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan Shirkan ka dhacaya Masar iyo waxyaabaha uu kala hadli doono Madaxweyne AL Sisi. Halkan ka akhri.

Farmaajo lama oga inuu khudbad ka jeedin doono kulanka, balse waxaa wararku nagu soo gaarayaan in kulan gaar ah uu la qaadan doono inta uu socda shirka Madaxweyne Abdel Fattah Al Sisi, oo ay kawada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xiisada Khaliijka.

Lix Madaxweyne oo ka socda dalal ku yaalla qaaradda Africa, mas'uuliyiin kale, iyo Ururo Ganacsi ayaa ka qeybgalaya Shirka, waxayna kawada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee wadamada Africa iyo maalgashiga.

Waa Safarkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago Masar tan iyo markii uu billowday Khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka June 5, oo dowladda Federaalka ay ka qaadatay go'aan dhex-dhexaad ah, kaasi oo cadaadis kala kulmay xulufada Sacuudiga.

Madaxweyne Al Sisi ayaa lagu soo waramayaa in uu wado dedaallo uu isagu soo dhaweynayo Farmaajo iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo xiriirka kala dhaxeeya uusan wanaagsanayn mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM