Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Imaaraadka xilli Khilaaf jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha ka kooban Wasiirro iyo Xildhibaanno, ayaa waxay u ambabaxi doonaan Imaaraadka maalinta Axada ah ee soo aadan, iyadoo safarkiisana ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Madaxwweyne Farmaajo safarkiisa uu ka dambeeyay casumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda dalkaasi Imaaraadka carabta oo uu la kulmi doono.

Xiriirka labada dal, khilaafka Khaliijka iyo arrimo kale ayaa diirada lagu saari doonaa kulanka Farmaajo uu la qaadan doono Madaxda dalka Imaaraadka, sida Illo-wareedyo ku sugan Villa Soomaaliya u sheegeen GO.

Booqashada Farmaajo ee Imaaraadka ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada dowladooda, kaasi oo ku qotama go'aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatey xisaada Khaliijka carabta.

Waa safarkii labaada oo mudane Farmaajo uu ku tago UAE tan iyo doorashadiisii February 8, 2017. Waxay ahayd booqashadiisa ugu horeysay bishii April, ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagey bishii August ee sanadkan dalka Masar oo kamid ah wadamada xiriirka u jaray Qadar, isagoo la kulmay dhigiisa dalkaasi Cabdifitaax Al Sisi.

Al Sisi ayaa wararku sheegayaan inuu ka shaqeynayo isku soo dhaweyn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka, oo xiriirkooda mugdi ku jiro, sababtoo ah khilaafka Khaliijka ka taagan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u cadaysay mowqifkeeda ku aadan arrimaha ka taagan dalalka Khaliijka, oo dhex-dhexaad ka noqotay, taasi oo kala kulmayso cadaadis labada dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM