Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Maanta u safro magaalada Kismayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaba-qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka socota magaalada Kismayo oo shalay ay sii tageen Ciidamo gaar ah, iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada, iyadoo Ciidamo isku dhaf ah oo kuwa Kenya kamid yihiin lagu daadiyay Wadooyinka, waxaana hakad la geliyay Isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Goobaha Ganacsiga ayaa sidoo kale la xiray.

Madaxweynaha ayaa booqan doono Jaamacadii hore ee Kismaayo, oo lagu diyaarinayo ciidamadda isku dhafka ah ee loogu talagalay howlgalka Kooxda Al shabaab looga Sifeynayo Goboladda Jubooyinka.

Waa safarkii 4aad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalo ka mid ah dalka tan iyo markii la doortey February 8, wuxuu horay u booqday Baydhabo, Afgooye iyo Cadaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM