Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Sacuudiga [UJEEDKA]

Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa la filayaa in dhawaan booqasho ay ku tagaan Sacuudiga.

Warsidaha Garowe Online, ayaa ogaaday in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo safar uu maalmlaha soo aadan ugu ambabaxayo dalka Sacuudiga, oo sanadkan gudahiisa labo jeer u booqday.

Booqashada Mudane Farmaajo ee Sacuudiga oo aan wali la shaacin, ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladdiisa ay door dhex-dhexaadnimo ka qaadatey Khilaafka soo kala dhex-galay Dalalka Khaliijka.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Boqorka Salman, oo sida aan wararka ku helayno kawada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, deeqda Sacuudiga ay siinayso Somaaliya iyo Xiisadda diblomasiyadeed ee Khaliijka carabta.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Bahrain, iyo Masar ayaa xiriirkii u jaray bishii June 5-teeda dalka Qadar, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu taageero Kooxaha Argagaxisada.

Doha ayaa beenisay eedaasi, oo ay ku tilmaantay mid aan cadeymo loo heynin, oo sharci darro ah.

Iyadoo la tixgelinayo xiriirka Taariikhiga ah ee Somalia kala dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa dowladda Federaalka waxay qaadatey go'aan ah inay dhex-dhexaad ka noqoto arrimaha ka taagan Khilaajka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ka dalbadeen Dowladda Madaxweyne Farmaajo inay xiriika u jarto Qadar, iyadoo wali codsigaasi uu yahay mid taagan oo go'aan laga qaadan.

Sacuudiga ayaa ka taageera dalalka Muslim-ka ah dhanka dhaqaalaha iyo kabista Miisaaniyadda dowladaha ka jira, oo ay kamid tahay Somaaliya.

Bishii February ee sanadka, Boqor Salman ayaa u balan qaadey dowladda Somaaliya inay u dhisayso Sacuudiga Garoomo Diyaaradeed iyo wadooyin casri ah, sidoo kalena ay siin doonto lacago deeq ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM