Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Deg Deg ah la leh Saraakiisha Amniga

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulan Deg Deg isagu yeeray Saraakiisha laamaha Amaanka dowladda, maalin kadib markii qarax weyn uu ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama, oo aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Taliyaasha Ciidamada Booliska, Militariga, Nabad Sugida iyo Wasiirro dhowr ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu Madaxweynaha kala hadlayaa sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada Muqdishu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku booriyay laamaha amaanka inay wax-ka qabtaan falalka amni darro ee ka dhacay Caasumadda, islamarkaana ay kordhiyeen heerka feejignaanta, si looga hortago qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Al shabaab.

Kulanka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, xilli AMISOM ay sheegtay shalay inay mas'uuliyada amaanka dalka ku wareejinayso sanadkan soo socdo ee 2018-ka Ciidamada xoogga dowladda Federaalka Somalia, kuwaasi oo tiro ahaan xilligan aad u badan, balse ay haysato mushaar la'aan.

Wixii kusoo kordha Shirka ka socda Villa Somalia, kala soco Wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM