Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda waddanka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa Jimcada berri ah wuxuu kusii jeedaa waddanka Jabuuti halkaasoo uu kaga qeybgeli doono shir ay leeyihiin hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Ajendaha shirka waxaa kamid ah xaaladda gobolka Tigray ee waqoyga Itoobiya iyo cabashadii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay dhigeeda Kenya kahor inta aysan xiriirka u jarin - qodobkaas oo la filayo in madaxda ay ka doodaan.

Dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kadib dagaal saddex asbuuc qaatay waxay gacan ku haynta gobolka Tigray kala wareegtay xoogaga TPLF ee mudada maamulayey.

Dagaalkaas oo boqolaal labada dhinac ah ku dhinteen, kumanaana ku barakaceen ayaa soo jiitay indhaha caalamka iyadda oo Qaramada Midoobay ay baareyso suurtagalnimada in xasuu shacab la geystay.

Ashtakada Soomaaliya ka gudbisay Kenya ayaa salka ku haysa eedeymo "faragelin arrimaha gudaha" iyo "xadgudubyo joogto ah oo dhanka hawada iyo madaxbanaanida waddanka ah".

Uma badna in madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu kasoo muuqan madasha shirka. Balse waxaa loo maleynayaa in uu wakiil diri doono ama uu qaab fogaan arag ah kaga qeybgeli doono.

Cilaaqaadka xumaadey ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah natiijo ka dhalatay is-af-garad maamulada Uhuru iyo Farmaajo ka gaari waayeen arrimo ay kamid yihiin dacwadda badda, xayiraadda khaadka, siyaasadda Jubaland iyo arrimo kale oo daahsoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM