Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Sacuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu casuumay Shirka ka furmaya 21-ka Bishan magaalada Riyaadha, ee caasumadda dalka Sacuudiga.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salman Bin Cabdi Casiis ayaa usoo diray Madaxweyne Farmaajo Warqad Casuumad ah, ee uu uga qeybgalayo Shirkaasi oo ay yeelanayaan Wadamada Muslim-ka ah iyo Mareykanka.

Safiirka Sacuudiga u fadhiga dalka Kenya Dr Maxamed Cabdul Qani Khayaat, ayaa loo soo mariyay  Farmaajo Casuumada Boqor  Salmaan, maadaama aysan Safiir u fadhin magaalada Muqdishu.

Shirka Riyadh waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana diiradda lagu saari doonaan xiriirka maamulka cusub ee Mareykanka iyo wadamada Muslim-ka ah, oo hadda aan wanaagsanayn.

Arrimaha sida aadka ah looga hadlayo waxaa kamid ah Xayiraadii dhinaca safarka ee uu Donald Trump, sanadkan horaantiisa kusoo rogay 6 dal oo Muslimka ah, oo Somalia ay kamid tahay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kamid ah Madax wadamada Islaamka ee ka qeybgalaya Shirka Riyaadh, kaasi oo noqonaya midkii ugu horeeyay tan iyo markii Trump la doortay.

Waa Safarkii Labaad oo uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Sacuudiga iyo kiisa 9-aad oo dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii la doortey Bishii February, ee sanadka 2017-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM