Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay safiiro cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta, Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland, Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta, Salaax Axmed Juneyd, ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku-oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland, Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Farmaajo ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM