Madaxweyne Farmaajo oo Tarsan u magacaabay La-taliyihiisa Siyaasada

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah u magacaabay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) La-Talihiisa dhanka Siyaasadda.

Tarsan oo kamid ahaa Musharaxiintii u tartamay Xilka Madaxweyne doorashadii February 8, ayaa laga dhigayy La-taliye sare oo arrimaha Siyaasadda kala taliya Madaxweyne Farmaajo, sida ku xusan Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Magacaabista Tarsan ayaa qeyb ka ah Xilal cusub oo Madaxweyne Farmaajo magacaabayay tan iyo markii uu Talada dalka la wareegay, iyadoo bishiii June uu Fahad Yaasiin, oo ah shaqsigii Madaxda uga ahaa Ololihiisa doorashada, ka dhigay Agaasiimaha Madaxtooyada.

Tarsan ayaa waxa uu soo noqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdishu labadii dowladooda ee ugu dambeeyay, ee ay kala hogaaminayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud (2010 – 27 February 2014).

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM