​Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Masar

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka oo Axad ah u dhoofay magaalada Qaahira, ee xarunta dalka Masar.

Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale oo dowladda katirsan, ayaa ku sagootiyay Madaxweynaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ee magaalada Muqdishu, kahor inta uusan u ambabixin Masar.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Masar ayaa yimid, kadib markii uu Casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Cabdifitaax Al Siisi, waxaana la filayaa in labada hogaamiye ay ku kulmaan magaalada Qaahira.

Waxyaabaha ay Kulankooda uga wadahadli doonaan Labada hogaamiye, ayaa waxaa  kamid ah arrimo badan oo ku qotoma xiriirka labada dal, iyo Khilaafka ka taagan Khiliijka Carabta, oo Somalia mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatey.

Masar waxay kamid tahay dalalkii Xiriirka u jaray Qadar 5-tii bishii June, iyagoo ku eedeeyay Xukuumada Doha inay tageerto Kooxaha Argagaxisada Caalamka, inkastoo arintaasi ay beenisay dowladda Qadar.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa Sacuudiga iyo Imaaraadka oo usoo jeediyay inay xiriirka u jarto Qadar, waxaana la sheegay inay arintaasi la xiriirka Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM