Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxey dalka Ethiopia
MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyi wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofey magaalada Muqdishu isaga oo ku soo jeeda Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.
Wararka uu Warsidaha GO helayo ayaa sheegay in safarka Farmaajo ee Ethiopia ayaa yimid kadib markii uu Todobaadkii lasoo dhaafay caasumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Mulatu Teshome Wirtu.
Booqashada oo qaadan doonto mudo labo maalmood, ayaa inta uu jooga Addis Ababa waxa uu la kulmi doonaa Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Ethiopia Mulatu Teshome Wirtu iyo Ra'iisal wasaare Hailemariam Desalegn.
Waxyaabaha ay Kulankankooda uga kawada hadli doonaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dalka, iyo kaashiga dhank amniga iyo Ganacsiga, sida Illo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayu xaqiijiyeen GO.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan waxa uu Baydhobo kula kulmay Diblomaasiyiin ka socotay dalka Ethiopia, kuwaasi oo ka codsaday inuu booqdo Addis Ababa, kahor intasan uusan u ambabixin London.
Waxa uu noqonayaa safarkii lixaad oo Farmaajo dalka uga dhoofo tan iyo markii la doortey Bishii February, ee sanadkan. Madaxweynaha ayaa dhawaan difaacay safaradiisa sii tiro badanaya, oo uu ku sheegay inay yihiin dhamaan kuwa lagu casuumay, oo diyaarado loo soo diray.
Todobaadka soo socda markii uu kasoo laabto Eithiopia waxaa la filaya Madaxweynaha inuu aado London, oo uu ka furmi doono 11-ka May, Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha dalka Somalia.
GAROWEONLINE