​Madaxweyne Farmaajo oo u safray Sudan [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta u safray dalka Sudan, kadib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalkaasi, Cumar Xasan Al Bashiir.

Booqashada Madaxweynaha ee Sudan, ayaa qaadan doonto mudo labo maalin ah, waxaana uu sii marayaa dalka Ethiopia, kahor inta uusan Khartoum u dhoofin, sida aan wararka ku helayno.

Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Jeneraal Cumar Xasan Al Bashiir, oo ay kawada hadli doono arrimaha amniga, Siyaasadda, Waxbarashada iyo xoojinta xiriir labada dal.

Wasiiro, Xildhibaanno, Marwada koowaad ee dalka iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya, ayaa Madaxweynaha ku wehliya safarkiisa Sudan.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii uu Madaxweynaha kasoo laabtey dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu ku maqnaa mudo labo maalmood ah, isagoo kula soo kulmay Jeddah Boqor Salman.

Sacuudiga, ayaa sida Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Eng Yariisow uu sheegay Warbaahinta, ayaa ugu deeqay lacag gaaraysa $50 Milyan oo Doolar, taasoo loogu tala galay in lagu kabo Miisaaniyad dalka.

Somaliya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan kala dhaaxeeya Turkiga, oo kamid ah dowladaha taageeray Qadar, kana soo horjeeda go'doominta dalalka Sacuudiga iyo Xulufadiisa kusoo rogeen Doha.

Deeqdan dhaqaale ee Sacuudiga ayaa timid xilli Dowladda Federaalka ay mowqif dhex-dhexaadnimo ka qaadatey Khilaafka Khilaajka, iyadoo go'aankaasi ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah maamullada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkii dambe booqasho ku tagayay dalal xiriirka u jaray Qadar, oo uu kamid ah wadanka Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM