Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taallada SYL

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay munaasabad loogu dabaal dagayay 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururkii gobonimo doonka Somalia ee SYL.

Madaxweynaha ayaa socod lug ah ka soo bilaabay Madaxtooyada, illaa Taalada, waxaa wehliyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Dhalinyarada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Somalia, ayaa kusoo labistay dhar u eg calanka Somalia, waxaana goobtaas ka banabanayay calanka dalka iyo sawirro ay ku qoranyihii dhalinyaradii SYL.

Ubax lagu maamuusayay kaalintii xornimo ee dhalinyaradaas ka qaateen gobonimadii Somalia, ayuu Madaxweynuhu dhigay tallaabada SYL ee magaalada Muqdishu.

Isagoo goob fagaaro ah kula hadlayay shacab tiro badan, wuxuu ku booriyay dhalinyarada inay ku daydaan 13 ruux ee soo dhiciyay xornimada Somalia, isagoo ugu baaqay inay midoobaan si loo soo celiyo karaamadii dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad wasaaradda Dhalinyaradu soo qaban qaabisay oo lagu maamusayay maalinta.

15 May oo sannad kasta laga xuso Somalia, ayaa lagu maamuusa maalintii la aas-aasay ururkii Gobonimo doonka dalka Somalia.

Waxaa laga sheekeeyaa guulihii ay gaareen iyadoo dhalinyarada lagu booriyo inay la mid noqdaan xubnhaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM