Madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna oo Xoriyadiisa helay

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ahlusunna Cabdillaahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa xoriyadiisa dib u heley ka dib markii 20 August, 2015 lagu xirey Magaalada Cadaado ayaa dib u helay Xoriyadiisa.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa la sheegay in lagu siidaayay damaanad, iyadoona lagu amray in uu ka baxo magaalada Cadaado oo xarunta KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Daacad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Sababta loo xiray ay tahay Shaqo uu ka waday Cadaado oo ku aadan in shacabka Cadaado ku nool ay taageeraan maamulka Gobolada Dhexe, balse aysan jirin cid uu danbi ka galay.

Arintaan ku soo beegmaysa xilli ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Galmudug iyo maamulka Ahlusunna kaasi oo ku aadan maamulka dhawaan lagu dhisey Cadaado oo Ahlusunna sheegtey inaysan ku qanacsanayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM