Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo "xilka qaadis" lagu sameeyay

Image

DHUUSAMAREEB - Xildhibaanno kulan ku yeeshay maanta oo Talaado ah magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey.

Kulan ka dhacay Dhuusamareeb, oo ay soo xaadireen 142 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah loogu qaadey Mooshin kalsooni kala noqosho ah oo tan iyo shalay ka doodayay, waxaana mooshinka u codeeyay 140 oo taageeray xilka qaadista Carabeey.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Galmudug, garabka Dhuusamareeb Xareed Cali Xareed oo isna shalay xilka ka qaadey Xildhibaanada ku sugan Cadaado ayaa shir gudoomiyay kulankii maanta.

Carabeey oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in waxba kama jiraan uu yahay mooshinka xilka looga qaadey, isagoo ku dooday in tirada Xildhibaanada kulmay ay yihiin kuwa aan ka tirsanayn Galmudug, oo isagu ogeyn halka laga keenay.

Horey Xildhibaanada ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb waxay u sheegeen inay xilalka uga xayuubiyeen Madaxweyne Xaaf, Afhayeenka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa, Xareed Cali Xareed.

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya xilli Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyda uu war kasoo saarey xaaladda cakiran ee Galmudug, iyadoo madaxda Gollahu uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu fareglin ku hayo arrimaha maamulladooda.

Hogaamiye-yaasha Galmudug ayaa khilaafkoodda siyaasadeed gaarey meeshii ugu sareysay, oo hadda maamulkaasi u kala jabay markale labo garab oo iska soo horjeeda, waxaana xukunta khilaafka uu yahay heshiiskii Jabuuti iyo wadada loo marayo fulintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM