Madaxweyne Puntland oo ku dhawaaqay go'aano cusub

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirka ay hay'adda Heritage ku qabaneyso magaalada Garowe uu yahay mid xal loogu goobayo "arrimaha murugsan ee haatan ka taagan Soomaaliya".

Madashan oo qorshuhu yahay in ay bilaabato Isniinta todobaadkan waxaa ka qeybgalaya madaxda dowlada federaalka, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha maamulada, musharaxiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Qabashada kulankan ayaa yimid iyadda oo la isku khilaafsan yahay geedi u socodka doorashooyinka 2020-21 si gaar ah guddiyada maamulaya.

Deni oo dul-istaagay isu-soo-bax maanta ka dhacay caasimada dowladda Puntland ayaa sheegay in ay gedaal ka riixayaan shaqsiyaad ay bar garanayaan wuxuuna wacad ku maray in ay "is-bari doonan ayaga iyo dadka la adeegsanayo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in lagu dul-gabanayo arrinta ay "sidda fiican" xukuumadiisa u maareysa ee qiima dhaca shilin Soomaaliga.

Shaqsiyaadka uusan carabaabin ee uu ku eedeeyay in ay doonayaan in ay burburiyaan sumcada ay Garowe ku muteysatay martigelinta shirka ayuu tibaaxay in dowladda ay go'aan ka qaadaneyso.

Inkasta oo uu difaacay go'aanka dowladda ka qaadatay xakameynta sicir-bararka lacagaha qalaad, Deni ayaa tibaaxay in ay sii wadayaan wadahadalada ay ku doonayaan in ay kusoo celiyaan kalsoonida shacabka iyo ganacsatadda.

Go'aanada xukuumadda soo rogtay waxaa kamid ah in aan lacagaha electronic ah lagu sarifi karin wax ka yar hal Doolar kaasoo dhaqan-galay. Sidoo kale, waxay fartay in dekada Boosaaso canshuurta lagu qaado shilin Soomaaliga.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu baaqay in ay ku fara-adeegaan nabadda, kala dambeynta iyo nidaamka dowliga ah ee ka jira degaanada Puntland gaar ahaan caasimada Garowe ayna si wanaagsan u sooraan martida boqolaal ah.

Sidoo kale, Deni oo kasoo muuqdey muuqaal ay baahisay Madaxtooyadda ayaa soo bandhigay go'aano cusub oo dowladda soo rogtay si loosoo celiyo kalsoonida dadka ay ku qabi karaan socod-siinta lacagta waddanka ee Soomaaliga.

"Labada go'aan ee ugu muhiimsan waxa weye in dowladda ay go'aansatay in canshuurta dekadda Boosaaso 10% shilin Soomaali lagu qaado, adeegyadda lacagta danabeysana aan 10$ iyo wixii ka yar la isu diri karin," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM

Mareykanka oo soo saarey digniin amni iyo xogta qaraxyo ku wajahan Muqdisho

Xaalada amniga ee Caasimada ayaa mudooyinkiidambe ahaa mid soo hagaagaya, oo ka dhicin qaraxyadii joogtada ahaa.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 08:57AM