Madaxweyne Xaaf oo tagay Caabudwaaq

Image
Image
Image
Image
Image

CAABUDWAAQ, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Socdaalka Xaaf waxaa ku wehelinaya Madaxweyne ku-xigeenkiisa, xubno katirsan maamulkaas, waxaana booqashadan timid xilli degmadaas ay muddooyinkii dambe ka taagnayd xiisado dagaal.

Shacabka Caabudwaaq ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyay duleedka magaalada iyo gudaha degmada iyagoo la qaatay kulan dhinacyo badan taabanayay.

Odoyaasha degmada ayuu Madaxweyne xaaf kala hadlay xiisad degmada ka taagnayd iyagoo isku af-gartay in la joojiyo colaadda.

Caabudwaaq ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleysan aanooyinka qabiilka ah oo si aad ah ugu badan Magaalada, Odayaashana ay wax ka qaban waayeen.

Axmed Ducaalle Geelle ayaa isku dayaya inuu ku qanciyo Odayaasha kaabo qabiilada ah ee ku sugan Degmada Caabudwaaq inay ka shaqeeyaan nabadda.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug uu ku tago Degmada Caabudwaaq, tan iyo markii xilkaasi loo caleemo saaray todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM