Madaxweyne Xasan oo Baaq u Jeediyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaq nabadeed u jeediyey maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Hadal uu madaxweynaha ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta xoriyadda Soomaaliya ee kowda Luulyo ayuu madaxweynaha kaga codsaday dagaalyahanada Al-Shabaab “inay ka waantoobaan ficillada argagxiso”. 

“Waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan naftii hallignimada. In ay ka waantoobaan in ay dilaan naf aan waxba galabsan. 

In ay waalidkood iyo walaalahood ay ka joojiyaan argagax gelinta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. 

Madaxweynaha ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ku tilmaamay “waa qorrax sii dhacayesa, umadda Soomaaliyeedna uma hakineyso weerarrada aan loo meel dayin ee naf-la-caariga ah”. 

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay guul-darrooyin culus gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana ay sii wadi dooonaan inta “goobaha yar ee weli gacantooda ku harsan iyo khatartooda la soo afjaro”. 

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaanahan weeraro halis ah ka geysaneysay magaalada Muqdisho, oo uu ugu dambeeyey weerarkii 25-kii Bishii June ee 2016 ay ku qaadeen hotelka Nasa-Hablood ee magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM