Madaxweyne Xasan oo furay xero ciidan oo Dowaldda UAE dayactirtey

Image
Image
Image

May 12, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xerada tababarka ciidanka ee Xero-Agoon, halkaas oo ay dayactir ku sameysay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xeradan oo si wanaagsan loo dayactiray waxaa maanta tababar loogu soo xiray askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka caawinayso Somaaliya dib-u-dhiska, xilliganna ay mashaariic horumarineed ka waddo gobollada dalka Soomaaliya. 
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka caawinayaan dhanka ammaanka iyo dib u dhiska ciidammada.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siinayso dadka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ka taageeraan arrimaha ammaanka, bani’aadamnimada iyo dib-dhiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo isna munaasabaddaas si kooban uga haldey ayaa sheegay in xeradan looga faa’iideysan doono tababarka iyo tayaynta ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM