Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalaya shir-madaxeedka Midowga Afrika

Image

Johannesburg, 14 June, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah hiigsiga 2063 ee horumarinta haweenka Afrika, nabadgelyada, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha , maalgashiga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa isla goobta uu shirkan ka dhacayo uu maanta ku guddoomin doona shir gaar ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammadooda ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta kulan kula yeeshay xarunta uu ka dhacayo shirka Midowga Afrika ee Sandton, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson.

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM