Madaxda Puntland iyo Jubaland oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa qeybta nasashada garoonka Muqdisho kula kulmay dajiraha dalka Mareykanka, Donald Yamamoto.

Washington ayaa kamid ah xubnaha Beesha Caalamka ee damaanad-qaadey fulinta natiijada shirarka maalmaha soo aadan ka qabsoomaya Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka sanadka 2020-2021.

Kulamada oo ahaa kuwa gooni gooni ah ayaa qabsoomay waxyar kadib markii madaxdaan Isniinta maanta ah si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

"Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka," ayay Madaxtooyada Jubaland tiri.

Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro shir guud oo Deni iyo Axmed Madoobe ay la yeesheen xubno kamid ah Beesha Caalamka oo ay ku jiraan ku xigeenka Midowga Yurub iyo ergayga Qaramada Midoobay.

James Swan, oo ah wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa lagu waramay in shirkaan guud uu kaga qeybgalay dhanka isgaarsiinta.

"Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Safiirada Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe iyo Talyaaniga," yay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Qoraalka ayay raacisay: "Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda".

Shirarkaan ayaa horudhac u ah wada-xaajoodyo loo dhanyahay oo la rajeynayo in maalmaha soo aadan ay ka qabsoomaan caasimada, kuwaasoo lagu jaan-goyn doono masiirka coddeynta nagu soo fool leh ee sanadka dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM