Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

Image

June 2, 2015 (GO)- Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa xalay ku kulmay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Labada Madaxweyne waxay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa xoojinta xiriirka labada dal iyo weliba sidii istaraatiijiyad cad oo mideysan ay uga yeelan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo dhiggiisa dalka Kenya Aamino Maxamed.

Kenyatta oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Kenya, wuxuu sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya uu kusoo dhammaadey guul iyo is-af-garad.

Kulankaas ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii u dambeeyey Al-shabaab ay kordhisey dhaq dhaqaaqyada ay ka waddo gudaha Kenya.

Saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey, tobannaan ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu arkey tuulooyin ka tirsan gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari, Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM