Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

Image

June 2, 2015 (GO)- Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa xalay ku kulmay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Labada Madaxweyne waxay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa xoojinta xiriirka labada dal iyo weliba sidii istaraatiijiyad cad oo mideysan ay uga yeelan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo dhiggiisa dalka Kenya Aamino Maxamed.

Kenyatta oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Kenya, wuxuu sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya uu kusoo dhammaadey guul iyo is-af-garad.

Kulankaas ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii u dambeeyey Al-shabaab ay kordhisey dhaq dhaqaaqyada ay ka waddo gudaha Kenya.

Saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey, tobannaan ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu arkey tuulooyin ka tirsan gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari, Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM